Arsenal Oo Isgaa Hadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Tariq Lamptey

Arsenal Oo Isgaa Hadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Tariq Lamptey


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay baacsgii ay ugu jirtay xiddiga kooxda Brighton ee Tariq Lamptey sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay xiddiga oo uu qaliin u mari doono.

Mikel Arteta ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu xoojiyo daafaca Midig suuqa xagaaga waxana uu xiddiga Tariq Lamptey u calaamadsaday Xoojinta booskaas xilli Hector Bellerin lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddiga Lamptey ka maqnaan doono garoomada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waliba mari doono qaliin.

Sidaas darteed Arsenal ayaa joojisay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga da’yarka ah waxana ay haatan dareenkeeda u jeedin doontaa xiddiga Norwich City ee Max Aarons.


Source: laacibfm.com

SHARE