Barcelona Oo Real Madrid Kula Biirtay Baacsiga Saxiixa David Alaba & Erling Braut Haaland

Barcelona Oo Real Madrid Kula Biirtay Baacsiga Saxiixa David Alaba & Erling Braut Haaland


Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid kula tartami doonto saxiixa xiddigaha David Alaba & Erling Braut Haaland marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddigaha David Alaba & Erling Braut Haaland ayaa bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid kuwaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid haatan tartan adag kala kulmayso kooxda Barcelona saxiixa xiddigaha David Alaba & Erling Braut Haaland.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa isha ku haya in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxda kadib markii uu ku guulaystay xilka madaxtinimo.


Source: laacibfm.com

SHARE