Hordhac: Liverpool Vs RB Leipzig: Reds Oo Isha Ku Haysa In Ay Iska Xaadiriso Wareega Xiga Ee UCL

Hordhac: Liverpool Vs RB Leipzig: Reds Oo Isha Ku Haysa In Ay Iska Xaadiriso Wareega Xiga Ee UCL


Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League kana dhici doona garoonka Puskas Arena oo loo adeegsanayo garoonka Liverpool.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira wakhti adag waliba ku dhibaatoonaya in ay guul gaadhaan kulamada laakiin waxa ay kulanka soo galayaan iyaga oo faa’iido haysta maadama ay guul 2/0 ah ka gaadheen RB Leipzig kulankoodii hore.

Dhanka kale kooxda RB Leipzig ayaa doonaysa in ay Cusbo sii mairso dhaawacyada Liverpool waliba ka reebto tartanka guul soo laabasho ahna ka gaadho Reds.


Kulanka: Liverpool Vs RB Leipzig.


Tartanka: Champions League


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Puskas Arena


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Liverpool ayaan waligeed laga reebin tartanka champions League wareega bug baxa marka ay guul ka gaadhaan kulanka lugta hore ee martda.

Dhanka kale markii ugu dambaysay ee ay Liverpool guul gaadhay labada lugood ee tartanka champions league wareega 16-ka waxa ay ahayd xilli ciyaareedkii 2008/2009 markaas oo ay ka badiyeen Real Madrid.

Liverpool ayaa noqon doonta kooxdii 3-aad ee Premier League ah ee ay RB Leipzig marti u noqoto champions league tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore kooxihii hore ee ay booqatay ayaa ah Tottenham iyo Man United.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 21-aad ee ay Liverpool marti galiso koox Germany ah tartamada yurub wax guuldaro ahna kama kulmin 20-kii kulan ee hore waxana ay dhaliyeen 52 gool halka laga dhaliyay kaliya 9 gool.


Source: laacibfm.com

SHARE