Hordhac: PSG Vs Barcelona: Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Ee Aad Uga Baahantahay Kulanka

Hordhac: PSG Vs Barcelona: Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Ee Aad Uga Baahantahay Kulanka


Kulan xiiso leh ayaa garoonka Parc des Prince ku dhexmari doona kooxaha PSG iyo Barcelona kana tirsan lugta 2-aad ee champions League.

Kooxda PSG ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo haatanba lug iyo badh la sii galay wareega 8 dhamaadka champions League kadib guushii 4/1 ahayd ee ay ka gaadheen kooxda Barcelona lugtii hore.

Dhanka kale Barcelona oo guul soo laabasho leh samaysay Semi-final-kii Copa Del Rey-ga lugta lugtii 2-aad sidoo kale samayay soo laabasho taariikhda lagu qoray kulan ay garaacday PSG champions League ayaa isha ku haysa soo laabasho kale oo taariikhi ah.


Kulanka: PSG Vs Barcelona


Taranka: Champions League


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Parc des Prince


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda PSG ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ay champions League ka hor tagtay Barcelona waana in ka badan intii ay gaadheen 8-dii kulan ee ugu horaysay ee ay Barcelona ka hor tagtay tartanka.

Taariikhda Tartanka Champions league ma jirto koox garoonkeeda looga soo badiyay 3 gool iyo wax ka badan una soo baxday wareega xiga ee tartanka.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee champions league kooxaha Barcelona iyo PSG ku dhex mara garoonka Parc des Prince tan ilaa February 2017 markaas oo ay PSG guul 4/0 ah gaadhay.

Barcelona ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen champions League ee kulamada bug baxa guushaasna waxa ay ka gaadheen kooxda Man United oo ay Old Trafford kaga badiyeen 1/0 sanadkii 2019.


Source: laacibfm.com

SHARE