Kooxaha Premier League Oo Doonaya In Dib Loo Dhigo Bilowga Xilli Ciyaareedka Dambe, Sabab.

Kooxaha Premier League Oo Doonaya In Dib Loo Dhigo Bilowga Xilli Ciyaareedka Dambe, Sabab.


Kooxaha premier League ayaa lagu soo waramayaa in dib loo dhigo bilowga xilli ciyaareedka dambe ee 2021/2022 si xiddiguhu u helaan isku diyaarin fiican oo xilli ciyaareedka cusub ah.

Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hor ayaa dib loo dhigay sabab la xidhiidha bandooygii xanuunka Korona laakiin arimaha ayaa haatan si caad ah u soo laabanaya iyada oo isku diyaarintii xilli ciyaareedka la yareeyay sabab la xidhiidha wakhtiga oo yar.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxdu doonayaan in ay ka fogaadaan wixii dhacay xilli ciyaareedkan bilowgiisii.

Xilli ciyaareedkan ayaa la filayaa in uu dhamaado 23 bisha May iyada oo bilowga xilli ciyaareedka 2021/2022 la filayo in uu bilowgo 7 bisha August.

Laakiin kooxaha ayaa ka wal-walsan ka qayb galista xiddigaha ee tartanka Euro 2020, Copa America iyo waliba ciyaaraha Olympics oo dhamaan la filayo in ay dhacaan xagaagan.

Sidaas darteed kooxaha Premier League ayaa doonaya in bilowga xilli ciyaareedka dambe laga dhigo 14 bisha August si ay xiddiguhu u hleaan nasasho fiican iyo waliba isku diyaarin fiican oo xilli ciyaareedka cusub ah.


Source: laacibfm.com

SHARE