Kulamada Champion League Ee Caawa, Labada Kooxood Ee Iska Xaadirin Doona 8 Dhamaadka Oo La Ogaan Doono.

Kulamada Champion League Ee Caawa, Labada Kooxood Ee Iska Xaadirin Doona 8 Dhamaadka Oo La Ogaan Doono.


Waxa caawa la dhamaystiri doonaa kulamada ugu horeeya ee wareega 16-ka champions league xilli ciyaareedkan iyada oo ay dhici doonaan kulamo xiiso leh.

Kooxda Borussia Dortmun ayaa marti galin doonta kooxda Sevilla kulan la hubo in ay goolal badan ka dhalan doonaan.

Kulankii lugtii hore ee kooxda Dortmund ayaa guul 3/2 ah soo gaadhay waxana ay haatan ugu cad-cadahay in ay iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka maadama ay kulanka martida ku soo dhalisay 3 gool.

Kooxda Sevilla ayaa dhankeeda u baahan in ay dhaliso ugu yaraan 2 gool waliba shabaqeeda ilaashato hadii ay doonayso in ay soo baxdo.

Kulanka kale ayaa ah kulanka sida weyn loo sugayo ee Juventus Vs Porto kulan ay saaxiibada Cristiano Ronaldo ka hadhi karaan champions League.

Porto ayaa kulankii hore Juventus ku soo garaacday 2/1 laakiin Kooxda reer Italy ayaa kaliya u baahan 1/0 si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka champions league.


Source: laacibfm.com

SHARE