Madaxweynaha La Liga Ee Javier Tebas Oo Qiimeeyay Fursadaha Uu Mohamed Salah Ugu Biiri Karo Real Madrid Ama Barcelona.

Madaxweynaha La Liga Ee Javier Tebas Oo Qiimeeyay Fursadaha Uu Mohamed Salah Ugu Biiri Karo Real Madrid Ama Barcelona.


Madaxweynaha Horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa sheegay in ayna suurtagal ahayn in uu Mohamed Salah ka tago Liverpool xagaaga kuna biiro horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Masar ayuu shaki ka soo fuulay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool xilli uu bilowgii xilli ciyaareedkan albaabka u furay ku biirista Real Madrid ama Barcelona.

Salah ayaa joogay Liverpool 4 sano waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo koobab a gaadhay.

Laakiin xaalada dhaqaale ee La Liga Javier Tebas ayaa sheegay in uuna xiddigu ku biiri doonin kooxaha Real Madrid ama Barcelona.

Isaga oo arintaas la hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan la heer nahay Premier Leageu laakiin waan ka daawadayaal duwanahay, Premier Legaue ayaa leh taagaaryaasha ugu badan yurub laakiin La Liga waxa uu taageerayaal ku leeyahay bariga dhexe iyo bariga fog”.

“Imaatinka Mohamed Salah ee La Liga gaar ahaan Real ama Barca?”.

“Marka la eego xaalada dhaqaale ee ay ku jiraan Labada kooxood suurtagal ma ahan in ay Liverpool iibiso Mohamed Salah”.

“Waxan rajaynayaa in uu ku soo biiro La Liga laakiin ma filayo in ay dhacdo sabab la xidhiidha qiimihiisa oo aad u badan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE