Man United Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawacii Marcus Rashford Ka Soo Gaadhay Kulankii Manchester Derby.

Man United Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawacii Marcus Rashford Ka Soo Gaadhay Kulankii Manchester Derby.


Kooxda Man United ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga Marcus Rashford kadib markii baadhitaan lagu sameeyay xiddiga reer England.

Man United ayaa sheegtay in baadhitaanku uu muujiyay in uuna dhaawaca kuraanta ah ee xiddiga ka soo gaadhay kulankii Man City ahayn mid halis u ah sidii markii hore laga cabsi qabay.

xiddiga 23 jirka ah ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadii 70-aad ee kulankii Manchester Derby kadib markii ay isku dheceen xiddiga Man City ee Riyad Mahrez.

Waxa jirtay cabsi laga qabay in uu xiddigu si xun u dhaawacmay laakiin wal-walkaas ayaa meesha ka baxay kadib markii ay kaliya cadaatay in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaya in uu Rashford garoomada ka maqnaan karo muddo dheer kadib dhaawacii kuraanta ka soo gaadhay.

Ilaa haatan lama oga in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan laakiin waxa la hubaa in uu seegi doono kulanka Ac Milan ee wareega 16-ka Europa League ee khamiista dhici doona.


Source: laacibfm.com

SHARE