Rivaldo Oo Saadaaliyay Fursadaha Barcelona Ee Kulanka PSG, Hal Arin Oo Aan Suurtagal Ahayn Ayuu Kashifay.

Rivaldo Oo Saadaaliyay Fursadaha Barcelona Ee Kulanka PSG, Hal Arin Oo Aan Suurtagal Ahayn Ayuu Kashifay.


Halyeeyga kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa sheegay in ayna suurtagal ahayn in ay Barcelona samayso guul soo laabasho leh kulanka ay la ciyaari doonaan PSG kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka.

Kooxda Barcelona ayaa lugtii hore markii la joogay garoonkooda la kulantay guuldaro 4/1 ah Rivaldo ayaana sheegay in uuna filayn in ay Barcelona samayso soo laabasho sidii kulankii 2017.

“Ma arko in ay Barcelona samayso soo laabasho”ayuu Rivaldo yidhi.

“Uma malaynayo in ay xitaa xiddigaha Barcelona rumaysanyihiin in la samayn karo, uma malaynayo in ay suurtagaltahay in ay Barcelona dhaliso 4 gool kulanka”.

“Ma filayo in uu kulankan ka duwanaado midkii kulankii hore sababta oo ah maqnaanshaha xiddigaha Neymar iyo Angel Di Maria”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE