Shaxda Ugu Fiican Premier League Todobaadka Oo La Soo Saaray.

Shaxda Ugu Fiican Premier League Todobaadka Oo La Soo Saaray.


Man United ayaa soo afjartay rikoodhkii guulaha ee kooxda Man City kadib markii ay 2/0 ugu garaaceen Etihad Staduim Axadii.

Laakiin kooxda Pep Guardiola aya wali 11 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka premier League kuna jira kaalinta 1-aad ee horyaalka.

Kooxda Leicester City ayaa wali ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo hal dhibic ka dambeeya Man United kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Brighton.

Kooxda Tottenham ayaa sii waday guuleheedii ugu dambeeyay kadib markii ay 4/1 ku garaacday kooxda Crystal palace.

Liverpool ayaa dhankeeda sii waday guuldarooyinkii looga bartay todobaadyadii ugu dambeeyay kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Fulham.

Southamptona ayaa gaadhay guul dhankeeda kadib markii ay garaaceen Sheffield United halka ay Arsenal bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Burnley.

Dhanka kale Waxa bar-baro galay kooxaha West Brom Vs Newcastle iyo Aston Villa Vs Wolves.

Ugu dambayn chelsea ayaa guul 2/0 ah ku garaacday Everton halka ay West Ham 2/0 ku garaacday kooxda Leeds United.

Kadib kulamadii todobaadka waxa la soo saaray shaxdii ugu fiicnayd todobaadka ee horyaalka premier Leage.

Kooxaha Man United, Fulham, Southampton iyo Tottenham ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig halka ay kooxaha West Ham, Aston Villa iyo Leicester City ku leeyihiin min hal xiddig.


Source: laacibfm.com

SHARE