Tartanka Gool Dhalinta Kabta Dahabka Ee Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraysa

Tartanka Gool Dhalinta Kabta Dahabka Ee Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraysa


Tartanka Gool dhalinta yurub ee kabta dahabka ah ayaa meel xiiso leh maraysa xilli lagu jiro todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa hor boodaya hogaaminta gool dhalinta yurub ee kabta dahabka ah isaga oo qaadanaya xilli ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo dhaliyay 31 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 20 gool isaga oo 11 gool ka dambeeya xiddiga Robert Lewandowski.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Haaland kaas oo dhaliyay 19 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Hadaba halkan hoose Kaga bogo Xiddigaha u tartamaya gool dhalinta yurub ee kabta dahabka ah xilli ciyaareedkan:

  1. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 31 Gool
  2. Cristiano Ronaldo (Juventus) 20
  3. Erling Haaland (Borussia Dortmund) 19
  4. Andre Silva (Eintracht Frankfurt) 19
  5. Lionel Messi (Barcelona) 19
  6. Kylian Mbappe (PSG) 18
  7. Romelu Lukaku (Inter Milan) 18
  8. Luis Suarez (Atletico Madrid) 17
  9. Mohamed Salah (Liverpool) 17
  10. Harry Kane (Tottenham) 16


Source: laacibfm.com

SHARE