Wakhtiga Uu Lionel Messi Go’aanka Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa Barcelona Oo La Ogaaday.

Wakhtiga Uu Lionel Messi Go’aanka Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa Barcelona Oo La Ogaaday.


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sugi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu go’aan uga qaato mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Lionel Messi ayaa xagaaga go’aansan doona in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona ama uu isaga tago oo uu ku biiro koox kale.

Kooxaha PSG iyo Man City ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga laakiin Barcelona ayaan wali ka rajo dhigin in uu xiddigu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Messi yahay 50/50 in uu isaga tago kooxda Barcelona ama uu heshiis cusub u saxiixo kooxda


Source: laacibfm.com

SHARE