Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Man City.

Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Man City.


Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Sergio Aguero sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis hordhac ah la gaadho Sergio Aguero ka hor inta uuna dhamaan xilli ciyaareedksu si ay u helaan saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Sergio Aguero ee Man City ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu xiddigu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Aguero ayaan xilli ciyaareedkan kulamo badan u ciyaarin kooxda Man City xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawacyo qaab joogto ah u soo gaadhay kooxda.

Laakiin Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Sergio Aguero si ay Lionel Messi ugu qanciso in uu sii joogo kooxda wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.


Source: laacibfm.com

SHARE