DEG-DEG: Barcelona Oo Real Madrid Ku Garaacday Saxiixii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

DEG-DEG: Barcelona Oo Real Madrid Ku Garaacday Saxiixii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga


Wararka ka imanaya dalka Spian ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona heshiis Afka ah la gaadhay xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba si ay saxiixiisa u helaan suuqa xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xoojiso daafaca xagaaga xilli uu David Alaba si xor ah uga tagi doono kooxdiisa Bayern Munich isaga oo aan ilaa haatan go’aamin kooxda uu ku biiri doono.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in ay kooxda Barcelona heshiis Afka ah la gaadhay xiddiga David Alaba si uu xagaaga ugu biiro kooxda.

Alaba ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Real Madrid iyada oo kooxdu wadahadalo kula jirtay xiddiga laakiin isku af garan waayay heshiiska shaqsiga ah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Joan Laporte doonayo in uu David Alaba ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya kana bilaabo dib u dhiska kooxda.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE