Erling Braut Haaland Oo Haatanba Iska Diiday Koox Premier League Ah, Waa Kooxdee Tollow?

Erling Braut Haaland Oo Haatanba Iska Diiday Koox Premier League Ah, Waa Kooxdee Tollow?


Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kooxda chelsea sabab la xidhiidha in uuna u arkin koox weyn sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa la filayaa in uu isgaa tago kooxda Borussia Dortmund suuqa xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin 4 kooxood oo premier League.

Kooxaha Premier League ee Liverpool, Man United, Man City iyo chelsea ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer Norway.

Laakiin wargayska reer Germany ee BILD ayaa sheegaya in uu Haaland iska diiday kooxda chelsea maadama uuna u arkin koox weyn.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Haaland haatan ka fiirsanayo 6 kooxood si uu midkood ugu biiro suuqa kala iibsiga xagaaga.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE