Georginio Wijnaldum Oo Kashifay Hal Wado Ee Ay Liverpool Xilli Ciyaareedkooda Ku Badbaadin Karto.

Georginio Wijnaldum Oo Kashifay Hal Wado Ee Ay Liverpool Xilli Ciyaareedkooda Ku Badbaadin Karto.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa sheegay in kaliya ku guulaysiga champions League uu badbaadin karo xilli ciyaareedka kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa la ciaari doonta kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League iyaga oo kulankii hore guul 2/0 ah gaadhay.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn u dhibaatoonaysa tan ilaa bilowgii sanadka cusub ee 2021 waxana ay ka hadhay tartanka horyaalka iyaga oo haatan ugu cad-cad in ay ka hadhaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Georginio Wijnaldum oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kaliya champions League oo aan ku guulaysano ayaa badbaadin doona xilli ciyaareedkeena laakiin cid walba way ogtahay si ay arintaas u adagtahay”.

“Waxa aan doonaynaa in aan si fiican u ciyaarno kulamada nooga hadhay xilli ciyaareedka”ayuu Georginio Wijnaldum Sii raaciyay.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE