La Yaab: Man United & Liverpool Oo Si Lama Filaan Ah Isha Ugu Haya Saxiixa Xiddig Aan Ka Mid Ahayn Qorshaha Tababare Thomas Tuchel Ee Kooxda Chelsea.

La Yaab: Man United & Liverpool Oo Si Lama Filaan Ah Isha Ugu Haya Saxiixa Xiddig Aan Ka Mid Ahayn Qorshaha Tababare Thomas Tuchel Ee Kooxda Chelsea.


Kooxaha Ugu Taariikhda Weyn Premier League ee Man United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan saxiixa xiddiga kooxda Chelsea ee Christian Pulisic.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa u muuqda mid ka baxay qorshaha tababare Thomas Tuchel isaga oo aan wali wax kulan ah ku bilaaban tan ilaa markii uu tababaruhu yimid chelsea.

Christian Pulisic ayaa ka mid ah xidigaha ugu fiican tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda laakiin xiddiga ayaan ka mid ahayn qorshaha Tuchel ee haatan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxaha Man United iyo Liverpool isha ku hayaan in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer America.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uuna xiddiga Christian Pulisic u samri doonin in uu intaas wax ka badan waliba isaga tagi doono kooxda.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu midkood ku biiro kooxaha Man United iyo Liverpool hadii uu xiisuhu dhab ka yahay.


Source: laacibfm.com

SHARE