Man City Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay , Southampton Ayay Xasuuq U Geysteen

Man City Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay , Southampton Ayay Xasuuq U Geysteen


Man City ayaa guul weyn ka gaartay Southampton kuwaasi oo qeybtii hore ka yaabiyay kooxda Pep ka dib marklii maamulka kubadda ay kaga sara mareen

Nasiinada waxaa lagu aaday 3/1 waxaana goolka ku horeeysay City balse dhamaadkii qeybtaas koowaad ayay laba gool deg deg ah keeenaan .

Southampton maamulka kubadda iyaga ayaa ku sareeyay waxa ayna City u diideen in kubada cagtooda ku daahdo inkastoo gadaal dambe wax waliba iska badaleen

Soo laabashadii City dar dar ayay ku soo galeen waxa ayna daqiiqaddii 55-aad heleen gool 4-aaad balse kooxda martida gool labaad ayay haleen halka City kii 5-aad ay sii raaciyaan daqiiqadii 59-aad

Ka dib dhacdooyinkaas City iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda waxa ayna gaareysay heer dhan %61, goolasha City waxaa kala saxiixay l


Ilkay Gundogan, laba De Bruyne iyo laba Riyad Mehraz ah .

City ayaa sidaas ugu soo laabatay wadada guulaha ka dib markii horay ay uga qastay kulankii hore oo United ayaa laba gool ku garaacday , waxa ayna ciyaarta ku dhameeyeen 5/2


Source: laacibfm.com

SHARE