Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Jawaabay Wararka Ku Saabsan Mustaqbalka Edinson Cavani

Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Jawaabay Wararka Ku Saabsan Mustaqbalka Edinson Cavani


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in aan wali wax go’aan ah laga gaadhin mustaqbalka xiddiga Edinson Cavani xilli ay soo bexeen warar sheegaya in uu xiddigu haatanba wadahadalo la qaatay kooxda Boca Juniors.

Weeraryahanka ayaa la sheegayaa in uuna la qabsan Manchester xilli uu Aabihiis sheeggay in uu xiddigu isaga tagi doono Old Trafford suuqa xagaaga.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in aan wax go’aan ah laga gadhin mustaqbalka xiddiga reer Uruguay waliba uu xiddigu diirada saarayo xilli ciyaareedkan.

“Edinson waxa uu diirada saarayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka”ayuu Ole Gunnar Solskjaer yidhi

“Waa xiddig Man United ah mana jiro wax go’aan ah oo laga gaadhay mustaqbalkiisa”.

“Kama hadli karo waxa la sheegay kaliya waxa aan odhan karaa in aan ku faraxsanahay waxa uu Cavani halkan ka qabtay”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE