Raphael Varane Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa & Horyaalka Uu Doonayo Oo La Ogaaday.

Raphael Varane Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa & Horyaalka Uu Doonayo Oo La Ogaaday.


Daafaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isgaa tago kooxda Real Madrid kuna biiro horyaalka Premier Leage.

Daafaca dhexe ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Real Madrid waxana ay kooxdiisu doonaysaa in ay iska iibiso xagaaga hadii uu heshiis cusub saxiixi waayo.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France doonayo in uu u dhaqaaqo horyaalka Premier League xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Man United iyo Liverpool.

Varane ayaa muhiim ka ah qorshaha tababare zidane waxana uu tababaruhu doonayaa in uu sii joogo kooxda.

Laakiin Xiddiga ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE