Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka, Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Ayaa U Soo Laabtay.

Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka, Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Ayaa U Soo Laabtay.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa war fiican ka helay tababarka maanta oo Arbaca ah kadib markii ay xiddigaha Sergio Ramos iyo Eden Hazard ku soo laabteen tababarka buuxa.

Labada xiddig ayaa markii ugu horaysay muddo dheer si caad ah ugu soo laabtay tababarka kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawacyo ay qabeen.

Waxa haatan jirta fursad ay uga qayb qaadan karaan kulanka Elche ee horyaalka La Liga todobaadka soo socda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in xiddigaha Sergio Ramos iyo Eden Hazard ay si caad ah uga qayb qaateen tababarka kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawacyo kala duwan.

Kooxda Real Madrid ayaa ku rajo weyn in ay labada xiddig taam u noqon doonaan kulanka adag ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Atalanta champions Leage 16 bishan haatan lagu jiro.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE