Sokratis Papastathopoulos Oo Hanjabaad U Diray Kooxdiisii Hore Ee Arsenal Ka Hor Kulanka Europa League.

Sokratis Papastathopoulos Oo Hanjabaad U Diray Kooxdiisii Hore Ee Arsenal Ka Hor Kulanka Europa League.


Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Sokratis Papastathopoulos oo haatan u ciyaara kooxda Olympiacos ayaa sheegay in ay kooxdiisu garaaci doonto Arsenal kulanka Europa league ee khamiista.

Xiddiga reer Greece ayaa ka tagay Arsena isaga oo ku biiray kooxda Olympiacos kadib markii ay heshiiskiisa kansashay kooxda Arsenal.

“Way adagtahay in xiddigaha heerka sare ah laga hor tago”ayuu Sokratis yidhi.

“Wana ognahay in Aubameyang & Lacazette yihiin xiddigo fiican hadii ay maalintooda ku jiraana go’aamin karaan kulanka laakiin habeen dambe anaga ayaa noqon doona kooxda gacan sarayn doonta”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE