Warar Cusub Oo Ka Soo Baxay Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona, Miyuu Joogayaa Mise?

Warar Cusub Oo Ka Soo Baxay Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona, Miyuu Joogayaa Mise?


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagus oo waramayaa in ay u badantahay in uu sii joogo kooxda Barcelona xagaaga kadib markii uu Joan Laporte ku soo laabtay madaxtinimada kooxda.

Joan Laporte ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Barcelona Isniintii waxana uu ku garaacay xilka laba musharax oo kale.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Laakiin shabakada TalkSPORT ayaa sheegaysa in uu Lionel Messi sii joogi doono kooxda Barcelona halkii uu ka tagi lahaa kooxda.

Messi ayaa rumaysan in ay Barcelona noqon doonto kooxdii ay ahayd markii uu Joan Laporte hogaaminayay kooxda intii u dhexaysay 2003 iyo 2010 waliba kooxdu u tartami doonto koobab.

Isla wargayska El Mundo aaa sheegaya in ay dhanka maamulka Barcelona ku kalsoon yihiin in uu xiddiga 33 jirka ah sii joogi doono Kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE