WARBIXIN: Arimaha Sababta U Noqon Kara In Ay Liverpool Caawa Macasalaamayso Champions League.

WARBIXIN: Arimaha Sababta U Noqon Kara In Ay Liverpool Caawa Macasalaamayso Champions League.


Kooxda Liverpool ayaa caawa marti galin doonta kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal lug kula jira wareega xiga ee tartanka kadib guushii 2/0 ahayd ee ay kulankii hore gaadheen.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo keeni karta in ay Liverpool caawa macasalaamayso champions League.


1.Difaaca Xun:

Kooxda Liverpool ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaysa dhanka daafaca kadib dhaawacyo xad dhaf ah oo ka soo gaadhay xiddigaha daafaca uga ciyaara.

Xiddigaha Fabinho, Nat Philips iyo Ozan kabak ayay laba ka mid ah ku bilaaban doonaa daafaca dhexe ee kooxda Liverpool kulanka caawa.

Inkasta oo ay kooxdu si fiican u ciyaartay dhanka daafaca kulankii lugtii hore ee champions League hadana kooxda RB Leipzig ayaan si fiican u ciyaarin kulankaas.

RB Leipzig ayaa kulankaas heshay fursado cajiib ah laakiin ku dhibaatooday in ay dhamaystiraan fursadahaas taas oo keentay in aan Liverpool wax gool ah laga dhalin.

Laakiin marka aad eegto xaalka Liverpool ee dhanka daafaca hadii ay RB Leipzig ku jirto habeenkeedii waxa ay dhaawaci karaan kooxda Liverpool waliba ka badin karaan.


2.Weerarka Dhibaatoonaya:

Bilowgii xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii Virgil Van Dijk dadka oo dhan waxa ay ka dayriyeen daafaca kooxda Liverpool waxana la hadal hayay sida ay u difaacan doonaan laakiin waxa ayna cidna filayn in uu weerarka Liverpool noqonayo sida uu haatan yahay.

Liverpool ayaa haystay weerarka ugu fiican adduunka iyada oo ay hogaaminyeen xiddigaha Mohamed Salah Sadio Mane iyo Roberto Firmino kuwaas oo baqdin ku abuuri jiray dhamaan difaacyada ka hor imanaya.

Laakiin haatan Weerarka Liverpool ayaan odhan karnaa waxa uu ka xun yahay daafaca iyada oo ay kooxdu si weyn uga dhibaatoonayso weerarka.

Sidaas darteed hadii uu weerarka Liverpool ku sii jiro qaab ciyaareedka xun waliba dhalin waayo goolal fursadaha ah helaan waxa ay sabab u noqon kartaa in ay Liverpool ka hadho champions League gaar ahaan in aan la isku halayn karin in ay daafaca Liverpool shabaqooda ilaashadaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.


3.Kalsooni Xumo:

Kooxda Liverpool ayaa ku jirta meeshii ugu xumayd ee kalsooni darada kadib natiijooyin xun oo xidhiidh ah waxana ay ka muuqataa marka gool laga dhaliyo.

Kooxda Liverpool ayaa gabi ahaan niyad jabaya marka gool laga dhaliyo iyaga oo ay ku adkaanayso in ay ka jawaabaan goolkaas taas oo kooxaha kale siinaysa dhiiri galin in ay ku sii socdaan ciyaarta.

Sanadihii hore Liverpool ayaan ciyaarta si fiican u ciyaari jirin ilaa gool laga dhaliyo laakiin haatan marka Liverpool looga hor maro gool waxa aad iska sii ogaanaysaa in laga badiyay sababta oo ah ma haystaan kalsooni ay ugu soo laaban karaan ciyaarta.

Sidaas darteed hadii Liverpool laga dhaliyo gool wakhti hore ah waxa aad u diyaar garawdaa in ay ka hadho tartanka champions League.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE