WARIXIN: Sababihii Ka Dambeeyay Guuldaradii Juventus Ka Soo Gaadhay Fc Porto.

WARIXIN: Sababihii Ka Dambeeyay Guuldaradii Juventus Ka Soo Gaadhay Fc Porto.


Kooxda Juventus ayaa ka hadhay champions League kadib markii ay ku fashilantay in ay garaacdo kooxda Fc Porto inkasta oo ay guul 3/2 ah ka gaadhay kooxda reer Portugal.

Laakiin Kooxda Fc Porto ayaa ku soo baxday goolashii martida ee ay ka dhaliyeen kooxda Juventus iyaga oo sidaas uga reebay kooxda Juventus.

Inkasta oo ay kooxda Juventus ahayd kooxda fursadaha ugu fiican haysata in ay u soo baxdo wareega xiga hadana kooxda Juventus ayaa laga reebay tartanka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa warbixinta sababaha Juventus looga reebay tartanka champions League:


1.Fikrada Juventus oo aan ku guulaysan champions League:

Kooxda Juventus ayaa u ciyaartay si fiican waliba haystay xiddigaha ugu fiican kooxda laakiin xiddigaha kooxda Juventus aya si hoose ku bilowday ciyaarta.

Kooxda Juventus ayaan ka faa’iidaysan shaqsiyadooda waxana cadayn u ahayd in gool looga hor maray bilowgii ciyaarta taas oo niyad jabisay kooxda.

Inkasta oo ay Juventus dhalisay 3 gool waliba dhalin kartay goolka 4-aad hadana waxa ay kooxda Juventus ku dhibaatootay in ay dhaafaan daafaca kooxda Fc Porto.


2.Cristiano Ronaldo Oo Maqane Jooge Ahaa & Morata Oo Dhibatooday:

Alvaro Morata ayaa khasaariyay 3 fursadood oo fudud waliba uu gool ka dhalin karay waliba kooxdiisa ka caawin kartay in ay iska xaadiriyaan wareega 8 dhamaadka.

Morata ayaa ah xiddig fiican laakiin ma ahan xiddig la isku halayn karo in uu kaligiis kooxda caawiyo waxana uu si weyn ugu dhibaatooday kulanka.

Dhanka kale Cristiano Ronaldo ayaa gabi ahaan ka ka maqnaa ciyaarta inkasta oo uu dhamaystay ciyaarta min bilow ilaa dhamaadka ciyaarta.

Ronaldo ayaan samayn shaqooyinkii looga bartay marka laga hadlayo tartanka champions League kaas oo ah tartankiisa maadama uu goolal badan ka dhaliyay.

Juventus ayaana dareentay maqnaanshaha Cristiano kaas oo laga filayay in uu samayn weyn ku yeesho kooxdiisa kulankan maadama tartanka champions League yahay tartanka loo soo iibsaday.


3.Geesinimadii Fc Porto & Badalada Pirlo Oo Khaldamay

Dhamaan xiddigaha Fc Porto ayaa u cyaaray qaab geesinimimo leh iyaga oo dhan walba kaga fiicnaa xiddigaha kooxda Juventus dhamaan ciyaarta.

Xiddigaha kooxda Fc Porto ayaa si fiican oo wada jir ah u difaacday goolkooda sidoo kale waxa ay u weerareen si wada jir ah taas oo dhibaato weyn ku keentay kooxda Juventus.

Dhanka kale Badlaadii tababare Pirlo sameeyay ayaan wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta isaga oo galay khalad weyyn kadib markii uu sameeyay badalo dhaawacay kooxdiisa kulanka sababna u noqday in ay Juventus ka hadho tartanka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE