XASAASI: Bruno Fernandes Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Man United U Soo Bandhigtay, Sabab.

XASAASI: Bruno Fernandes Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Man United U Soo Bandhigtay, Sabab.


Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes iska diiday heshiis cusub oo ay kooxda Man United miiska u saartay.

Bruno Fernandes ayaa Man United ku soo biiray suuqii Janaury 2020 isaga oo kaga soo biiray Sporting Lisbon waliba saamayn weyn ku yeeshay.

Kooxda Man United ayaa ka shaqaynaysa in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixato xiddiga khadka dhexe inkasta oo uu heshiiskiisa haatan dhamaan doono xagaaga 2025.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United miiska u saartay xiddiga heshiis ilaa xagaaga 2027 dhici doona waliba uu todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono 200 kun oo Gini todobaadkii.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in uu Bruno Fernandes diiday heshiiskaas isaga oo aan doonayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Bruno ayaa maamulka Man United u sheegay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin ilaa inta uu ka ogaanayo qorshaha kooxda ee suuqa xagagaa iyo sida ay u xoojin doonaan kooxda si ay koobab ugu tartamaan.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Tayada Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin In Ay Ka Helaan Ragga, Ma Leedahay Adigu


Source: laacibfm.com

SHARE