Arsenal Oo Guul Ay Qalantay Ka Soo Gaartay Olympiacos, Hal Lug Ayay La Galeeb Wareegga 8-da Europa League

Arsenal Oo Guul Ay Qalantay Ka Soo Gaartay Olympiacos


Arsenal ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka soo gaareen


Olympiacos oo ay uga soo talaabsdeen sedex gool iyo hal , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareegga 16-ka


EUROPA LEAGUE



Arsenal waxa a qeybta hore soo bandigeen kubad wacan oo dhan waliba ka dhameystiran waxaaana jiray is fahan ciyaartooyda u dhaxeeyay .

Kubad deggan ayay soo bandhigeen xilli kooxda garoonka ay halis  ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Arsenal goolka koowaad ee lagu nastay heleen daqiiiqadii  34-aad waxaana saxiixay Oedegaard

Soo laabashadii , kooxda garoonka waxa ay ka faa`ideysteen daafaca Arsenal oo afka hore u soo dhaqaayay waxaana lagu helay gool caiib ah oo meel laga toogtay daqiiqadii 58-aad

Arsenal niyad kama aysan qaadin goolkaas , waxa ayna ciyaarta aheyd mid abada dhinac laga filan karay goolal xilli xilli kooxda garoonka ay qasaariyeen fursado xaqiiq ahaa

Arsenal oo qeybtii hore uu hor taagnaa goolhayaha wax aya qeybta labaad dhamaadki ciyaareen kubad cadaadis leh oo ay ku keeneen laba gool oo isu dhaw waxaan kala saxiixay  Gabriel iyo Elneny kuwaas oo dhaliyay daqiiqadihi 79-aad iyp 85-aad


Source: laacibfm.com

SHARE