Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Miiska U Saartay Xiddig U Ciyaara Liverpool.

Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Miiska U Saartay Xiddig U Ciyaara Liverpool.


Kooxda Barcelona ayaa kor u qaaday dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ee kooxda Liverpool aya dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatan heshiis cusub uma saxiixin kooxda Tababare Klopp.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona heshiis wakhti fog ah miiska u saartay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Xiddiga reer Holland ayaa xor noqon doona xagaaga waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Barcelona kuwaas oo doonaay in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa doonaya in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya ee suuqa xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE