Chelsea Oo Badalka Christian Pulisic Ka Heshay Bayern Munich.

Chelsea Oo Badalka Christian Pulisic Ka Heshay Bayern Munich.


Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman si ay badal uga dhigaan xiddiga Christian Pulisic kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Christian Pulisic ayaa u muuqda mid ka baxay qorshaha tababare Thomas Tuchel tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda Chelsea.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu Christian Pulisic isaga tagi doono kooxda xagaaga hadii ay wax is badali waayaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Thomas Tuchel haatanba sii calaamadsaday xiddiga uu ku badali doono Christian Pulisic hadii uu isaga tago kooxda.

Thomas Tuchel ayaa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman u calaamadsaday badalka macquulka ah ee xiddiga reer America ee Christian Pulisic.


Source: laacibfm.com

SHARE