Cristiano Ronaldo Oo Doonaya In Uu Isaga Tago Juventus & Champions League Oo Sabab U Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Doonaya In Uu Isaga Tago Juventus & Champions League Oo Sabab U Ah.


Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in uu xiddiga kooxda Juventus ee Cristaino Ronaldo doonayo in uu isaga tago kooxda Juventus xagaaga.

Ronaldo ayaa xagaagii 2018 ku soo biiray kooxda Real Madrid iyada oo ay kooxdu u keentay xiddiga si uu ugu hogaamiyo champions League.

Laakiin Juventus ayaan dhaafin wareega 16-ka champions League labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu Ronaldo doonayo in uu isaga tago kooxda Juvnetus xagaaga ka hor inta uuna dhamaan heshiiskiisu.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo doonayo in uu ku biiro koox uu kula guulaysto champions League xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE