Dib U Eegid: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Man United Europa Leageu Kaga Hadhi Karto Wareega 16-ka.

Dib U Eegid: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Man United Europa Leageu Kaga Hadhi Karto Wareega 16-ka.


Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Ac Milan kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka Europa League.

Gool uu dhaliyay Amad Diallo ayaa Man United hogaanka u dhiibay bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta ka hor inta ayna Ac Milan bar-barayn daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Kadib bar-barahaas Man United ayaa halis ugu jirta in ay wareega 16-ka uga hadho Europa league xilli ciyaareedkna.

Shabakada Opta ayaa sheegtay in ay Man United halis ugu jirto ka hadhista Europa League hadii dib loo raaco taariikhda kulamadii hore ee Man United.

Shabakada ayaa sheegtay in marka ay Man United ku fashilanto in ay guul gaadho lugta 1-aad ee garoonkeed laga reebay tartamada yurub 6 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yuurub.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay ka hadhay yurub kadib markii ay ku fashilantay in ay guul ku gaadho garoonkeeda waxa uu ahaa kulankii Barcelona ee xilli ciyaareedkii 2018/2019.


Source: laacibfm.com

SHARE