Dib U Eegid: Champions League Oo Ay Ka Dhacayso Dhacdo Aan Lagu Arag 16 Sano.

Dib U Eegid: Champions League Oo Ay Ka Dhacayso Dhacdo Aan Lagu Arag 16 Sano.


Kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay in ay in ay guul soo laabasho leh ka gaadho Kooxda PSG iskana xaadiriso wareega xiga ee Tartanka champions League.

Barcelona ayaa guuldaro 4/1 ah kala kulantay PSG kulankii lugtii hore waxana ay bar-baro 1/1 ah la gashay PSG kulankii lugtii 2-aad.

Markii ugu horaysay tan ilaa 2006 kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay in ay iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka tartanka champions leageu.

Ka hadhista Messi ayaa imanaysa 24 saac kadib markii uu Cristiano Ronaldo isna ka hadhay tartanka champions League kadib guuldaro kooxdiisa Juventus kala kulantay Fc Porto.

Arintaas ayaa la macno ah in ayna xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ka qayb gali doonin tartanka champions League wareega 8 dhamaadka tartanka.

Waana markii ugu horaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2004/2005 la ciyaari doono wareega 8 dhamaadka champions League iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.


Source: laacibfm.com

SHARE