Erling Haaland Oo Fure U Noqon Kara In Ay Man United Heshiis Cusub Ka Saxiixato Bruno Fernandes, Qaab Noocee Ah.

Erling Haaland Oo Fure U Noqon Kara In Ay Man United Heshiis Cusub Ka Saxiixato Bruno Fernandes, Qaab Noocee Ah.


Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes si ay kooxda ugu sii hayso muddo dheer kadib markii uu saamayn waali ah ku yeeshay kooxda 1-aad.

Laakiin xiddiga Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay Man United u soo bandhigtay sabab la xidhiidha in uu xiddigu doonayo in uu marka kale ogaado qorshaha kooxda ee suuqa xagaaga & sida ay kooxdu isku xoojiso xagaaga.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa ka mid ah xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxda Man United ka hor suuqa xagaaga.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in saxiixa Man United ee Erling Braut Haaland ay xiddiga Bruno Fernandes ku qancin karto in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United.

Erling Braut Haaland ayaa wacdaro ka dhigaya Dortmund tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo kulan walba jabinaya rikoodh kubada cagta ah.


Source: laacibfm.com

SHARE