Go’aanka Lionel Messi Ee Mustaqbalka Barcelona Oo La Kashifay Kadib Markii Barcelona Ka Hadhay Champions League.

Go’aanka Lionel Messi Ee Mustaqbalka Barcelona Oo La Kashifay Kadib Markii Barcelona Ka Hadhay Champions League.


Saacado kadib markii ay kooxda Barcelona ka hadhay champions League waxa la iska dhexmarayaa mustaqbalka xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Saxafiga Christian Martin ayaa sheegay in uu xiddiga Lionel Messi isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Christian Martin ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Ilo wareedaydu waxa ay ii sheegayaan in uuna Lionel Messi sii joogi doonin kooxda Barcelona”.

“Ma sii joogi doono xitaa madaxweynaha cusub ee Laporte”.

“Kooxaha PSG iyo Man City ayaa ah labada dookh ee hor yaala Lionel Messi ka hor inta uuna ku biirin horyaalka America”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE