Lama Filaan: Timo Werner Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea

Lama Filaan: Timo Werner Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea


Xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa in uu durba isku diyaarinayo in uu isaga tago kooxda chelsea kadib markii uu kaga soo biiray RB Leipzig suuqii xagaaga.

Timo Wener ayaa xagaagii hore ku soo biiray chelsea laakiin ku dhibaatoonaya kooxda xilli ciyaareedkan isaga oo aan la qaban magaalada London.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in uu xiddiga Timo Werner isku diyaarinayo in uu chelsea isaga tago suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa qaab ciyaareed dhamaana midkii hore soo bandhigay kadib markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda laakiin xiddiga ayaan soo bandhigiwixii laga filayay.

Wener ayaa la sheegayaa in uu ku dhibaatoonayo la qabsiga qaab ciyaareedka kubada cagta England waxana uu diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE