Raphael Varane Oo Wadnaha Gooyay Liverpool & Man United, Go’aan Cusub Ayuu Ka Qaatay Mustaqbalkiisa.

Raphael Varane Oo Wadnaha Gooyay Liverpool & Man United, Go’aan Cusub Ayuu Ka Qaatay Mustaqbalkiisa.


Daafaca Raphael Varane Ayaa Badalay Go’aankii uu kaga tagayay Kooxda Real Madrid isaga oo wadahadalo heshiis kordhin ah la furay kooxdiisa.

Heshiiska xiddiga reer France ayaa dhici doona xagaaga 2022 Los Blancos ayaana doonaysa in ay sii haysato xiddiga oo muhiim u ah.

Wadahalada ayaa u socda si fiican waxana la filayaa in dhawaan heshiis Rasmi ah la gaadho sida laga soo xigtay wargayska MARCA.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii xiddiga lala xidhiidhinayay kooxaha Liverpool iyo Man United kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Go’aanka Varane ayaa ka nixiyay kooxaha Liverpool iyo Man United kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga xagaaga si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.


Source: laacibfm.com

SHARE