Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Champions League

Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Champions League


Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in ayna Kooxda Liverpool ku guulaysan karin tartanka champions leageu xilli ciyaareedkan ilaa ay xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ka soo laabtaan dhaawacyada.

Reds ayaa goosatay tigidhkooda wareega 8 Dhamaadka kadib guul ay ka gaadheen kooxda RB Leipzig Habeenkii Arbacadii.

Rio Ferdinand ayaa yidhi”Liverpool daafaca ay haatan haysato uguma guulaysan karto champions Leageu”.

“Hadii ay Van Dijk iyo Gomez soo laabtaan waxa ay fursad u haystaan ku guulaysiga champions League”ayuu sii raaciyay.

“Waxa tartanka ku hadhay kooxaha Bayern Munich, Man City iyo PSG hadii ay ka hor yimaadaan daafaca Liverpool-na way ku farxayaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE