Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Barcelona Ku Ciyaarto Kadib Markii Joan Laporte Ku Guulaystay Madaxnimada Kooxda

Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Barcelona Ku Ciyaarto Kadib Markii Joan Laporte Ku Guulaystay Madaxnimada Kooxda


Barcelona ayaa macasalaamaysay champions League laakiin waxa ay qorshaynaysaa ku soo laabashada tartanka xilli ciyaareedka dambe waxana ay haatanba bilaabeen dib u dhiska koox adag oo uu madaxweyne u noqon doono Joan Laporta.

Joan Laporta Ayaa Isniintii ku guulaystay madaxtinimada kooxda Barcelona waxana uu bilaabayaa in uu dib u dhiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa la filayaa in ay si xoogan u gasho suuqa si ay u xoojiso kooxda xagaaga si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto koobabka.

Hadaba wargayska MARCA ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe iyada oo ay saxiixyo cusub ku jiraan shaxda.

Xiddigaha Garcia, Depay, Wijnaldum iyo Sergio Aguero ayaa ah xiddigaha ilaa haatan la filayo in ay kooxdu u dhaqaaqdo saxiixooda si ay kooxda ugu xoojiso.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo sida ay noqon karto shaxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe:


Source: laacibfm.com

SHARE