Supercomputer Oo Saadaaliyay Halka Ay Liverpool & Arsenal Kaga Dhamaysan Doonaan premier League Xilli Ciyaareedkan.

Supercomputer Oo Saadaaliyay Halka Ay Liverpool & Arsenal Kaga Dhamaysan Doonaan premier League Xilli Ciyaareedkan.


Supercomputer ayaa wali sii wada saadaalinta sida uu ku dhamaan doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli lagu sii durkayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Ugu yaraan 10 kulan ayaa ka hadhay dhamaadka xilli ciyaareedka 2020/2021 xilli ay kooxo badan ku dagaalamayaan boosas kala duwan xilli ciyaareedkan.

Supercomputer ayaa kooxda Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay haatan 11 dhibcood ku hogaaminayaan horyaalka premier League.

Kooxaha boosaska champions League Supercomputer ayaa u saadaaliyay kooxaha Man United, Leicester City iyo Chelsea kuwaas oo haatanba ku jira boosaskaas.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in Supercomputer kooxah Liverpool u saadaaliyay kaalinta 8-aad ee kala saraynta iyaga oo hal boos ka hoosayn doona booska ay haatan kaga jiraan premier League.

Sidoo kale Supercomputer ayaa Arsenal u saadaaliyay kaalinta 10-aad ee kala saraynta iyaga oo ka hadhi doona dhamaan tartamada yurub ee xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE