UEFA Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Toodbaadka Champions Legaue.

UEFA Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Toodbaadka Champions Legaue.


Waxa xalay la soo afjaray qayb kale oo kulamada wareega 16-ka champions Legaue ah iyada oo la ciyaaray laba kulan halka habeen hore la ciyaaray laba kulan oo kale.

4 Kulan ayaa la ciyaaray kulamada champions league todobaadkan iyada oo ay 4 kooxood iska xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka champions League.

Kulamadii champions League waxa jiray xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay UEFA ayaana soo xulatay xiddigaha ugu fiican iyaga oo ka sameeyay shaxda todobaadka.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay kooxdu soo bandhigtay kulankii RB Leipzig.

Kooxaha Sevilla, Dortmund, Juventus, PSG iyo Porto ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kadib kulamadii todobaadka ee champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE