Wakiilka David Alaba Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Xiddigu Heshiis La Gaadhay Barcelona.

Wakiilka David Alaba Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Xiddigu Heshiis La Gaadhay Barcelona.


Wakiilka daafaca Bayern Munich David Alaba ayaa beeniyay in uu xiddiga uu wakiilka u yahay heshiis afka ah la gaadhay kooxda Barcelona si uu ugu biiro Camp Nou xagaaga.

Xiddiga reer Austria ayaa isaga tagi doona kooxda Bayern Munich xagaaga waliba qaab xor ah waxana lala xidhiidhinaya kooxo badan oo dhawr ah.

Real Madrid ayaa la sheegayay in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga laakiin kooxaha Man United Chelssea iyo Liverpool ayaa sidoo kale lala xidhiidhayaa.

Shalay ayay soo bexeen warar sheegaya in ay kooxda Barcelona si lama filaan ah u soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga waliba heshiis shaqsi ah la gaadhay xiddiga reer Austria.

Laakiin wakiilka xiddiga 28 jirka ah ee Pini Zahavi ayaa Shabakada Goal u sheegay in uuna warkaas waxba ka jirin xiddiguna cid heshiis la gaadhin.


Source: laacibfm.com

SHARE