WARBIXIN: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Liverpool Ku Guulaysan Doonto Champions League Xilli Ciyaareedkan.

WARBIXIN: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Ay Liverpool Ku Guulaysan Doonto Champions League Xilli Ciyaareedkan.


Kooxda Liverpool ayaa ka hadhay tartanka horyaalka Premier League laakiin guushii ay ka gaadheen kooxda RB Leipzig ayaa kor u qaaday rajadooda ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaana door ka ciyaari kara taariikh isa soo celisa.

Liverpool ayaa dib u soo celin karta taariikh ay horay u samaysay waliba ku guulaysan karta champions League hadii dib loo raaco wixii dhacay taariikhda champions League.

Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions league kadib guul 2/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda RB Leipzig.

Xilli ay sidoo kale dhamaanayso fursadohooda u soo bixista champions league xilli ciyaareedka dambe waxa muhiim u ah Reds ku guulaysiga champions League.

Kadib markii ay kooxaha Juventus iyo Barcelona ka hadheen tartanka champions League waxa dhici karta in taariikhdu dib isku soo celiso.

Markii ugu dambaysay ee ay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ku fashilmeen in ay iska xaadiriyaan 8 dhamaadka champions League waxa ay ahayd 2004/2005.

Taageerayaasha Liverpool ayaa si fiican u xasuusta sanadkaas maadama uu yahay sanadkii ay guusha soo laabashada leh ugu guulaysteen champions League kadib markii ay 3/0 ku hor martay Ac Milan qaybtii hore.

Waxa intaas sii dheer in garoonka Kulanka Final-ka lagu ciyaari doono yahay garoon ku yaala magaalada Istanbul gaar ahaan garoonka Ataturk Stadium.

Garoonka Ataturk Stadium ayaa ah isla garoonkii ay Liverpool sanadkii 2005 ugu guulaystay champions League isuguna qortay taariikhda tartanka.


Source: laacibfm.com

SHARE