David De Gea Oo Ku Soo Laabtay England, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka West Ham.

David De Gea Oo Ku Soo Laabtay England, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka West Ham.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu Goolhaye David De Gea ku soo laabtay Manchester laakiin gali doono karantiil kadib markii uu ka soo laabtay Spain.

Goolhaye David De Gea ayaa 4 bishan March adduunka ku soo dhaweeyay ilmo yar oo u dhashay waxana uu ku soo laabtay England isaga oo ka yimid Spain oo uu ugu tagay xaaskiisa.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay Goolhayaha intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka West Ham ee horyaalka premier League.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”De Gea waxa uu ku soo laabtay Manchester sidaas darteed waxa uu galay karantiil”.

“Uma malaynayo in uu taam u noqon doono kulanka West Ham sababta oo ah waxa uu ku jiraa karantiil”ayuu sii raaciyay.

Dea Gea ayaa ka maqnaa kooxdiisa kulamadii Manchester Derby iyo Ac Milan waxana la filayaa in uu ugu yaraan kooxdiisa ka maqnaado kulamada soo socda.


Source: laacibfm.com

SHARE