DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Bishii February Oo La Shaaciyay.

DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Bishii February Oo La Shaaciyay.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee İlkay Gündoğan ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa premier League bishii February ee la soo dhaafay.

İlkay Gündoğan Ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bishii February isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho guulo badan oo xidhiidh ah premier League.

Gündoğan ayaa bishii February dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday gool kale waxana uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee reer Germany ah oo abaalmarinta ku guulaysta wax hal mar ka badan.

Xiddiga ayaa bisha February ku bilowday caawin uu sameeyay kulankii ay Man City guusha ka gaadhay koxda Burnley horyaalka premier League.

Hadana Gundogan ayaa 2 gool dhaliyay kulankii Liverpool ee ay kooxdiisu 4/1 ku badisay ka hor inta uuna 2 gool oo kale dhalin kulankii Tottenham.

Gundogan ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Joachim Andersen, Harvey Barnes, Joao Cancelo, Bruno Fernandes, Jesse Lingard, Ruben Neves & Raphinha.


Source: laacibfm.com

SHARE