Hordhac: Fulham Vs Man City: Citizen Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Garoonka Fulham.

Hordhac: Fulham Vs Man City: Citizen Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Garoonka Fulham.


Kooxda Fulham ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan ka dhici doona garoonka Craven Cottage kana tirsan todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay talaabo kale u qaadaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka.

Dhanka kale kooxda Fulham ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo doonaya guul si xilli ay dagaal ugu jiraan in ay ka badbaadaan ka hadhista horyaalka.


Kulanka: Fulham Vs Man City


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Craven Cottage


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Fulham ayaa noqon karta kooxda 2-aad ee garaacda kooxda difaacanaysa horyaalka iyo waliba hogaamiyayaasha horyaalka laba kulan oo xidhiidh ah kadib markii ay ka badiyeen Liverool, kooxda kaga horaysay rikoodhkaas aya ah Everton oo garaacday chelsea iyo Man United bishii February 2010.

Fulham ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka waana in ka yar 24-kii kulan ee hore ee tartanka iyaga oo sidoo kale shabaqooda ilaashaday 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Man City ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Fulham waxana ay dhaliyeen 18 gool iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin waxana ay kaliya hal guuldaro kala kulmeen 13-kii kulan ee ay booqdeen fulham.


Source: laacibfm.com

SHARE