Hordhac: Leeds Vs Chelsea: Blues Oo Hal Kulan Leeds Ku Garaacday Garoonkeeda 9-kii Kulan Ee Ugu Dambeeyay.

Hordhac: Leeds Vs Chelsea: Blues Oo Hal Kulan Leeds Ku Garaacday Garoonkeeda 9-kii Kulan Ee Ugu Dambeeyay.


Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Leeds United kulan ka dhici doona garoonka Elland Road kana tirsan todobaadkii 28-aad ee horyaalka Premier Leaue.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa in ay ku jirto guuleheeda xidhiidhka ah ee horyaalka premier League iyo in ay sii wado dagaalka ay ugu jirto ku dhamaysiga boosaska champions League.

Dhanka kale Leeds United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldarooyinkii kulamadii ugu dambeeyay horyaalka.


Kulanka: Leeds United Vs Chelsea


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 3:30


Garoonka: Elland Road


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leeds United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda kula ciyaartay chelsea.

Kooxda Leeds United ayaa laba jeer oo xidhiidh ah laga badiyay Premier league markii 5-aad xilli ciyaareedkan Laakiin waxa ay haatan doonayaan in ay ka fogaadaan in markii 3-ad oo xidhiidh ah laga badiyo premier League.

Chelsea aya badisay 5 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahayd tartamada oo dhan tan ilaa markii uu Thomas Tuchel kooxda yimid waxana ay bilaa guularo tahay 9 kulan horyaalka premier League.

Blues ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato in ay guuldaro kala kulanto koox soo dalacday 4 xilli ciyaareed oo xidhiid ah markii ugu horaysay kadib markii ay guuldaro kala kulmeen  Newcastle United, Wolverhampton Wanderers & Sheffield United xilli ciyaareedyadii hore.


Source: laacibfm.com

SHARE