Hordhac: Real Madrid Vs Elche: Los Blancos Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxda Martida U Ah.

Hordhac: Real Madrid Vs Elche: Los Blancos Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxda Martida U Ah.


Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Elche kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay cadaadiska ku sii hayaan kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ee ka horeeya.

Dhanka kale Elche ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ku jira kaalinta 17-aad kana baxsanaya boosaska looga hadho horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.


Kulanka: Real Madrid Vs Elche


Tartanka: La Liga


Wakhtiga: 6:15


Garoonka: Estadio Alfredo Di Stefano.


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin kooxda Elche dhamaan 9-kii kulan ee hore iyaga oo badiyay 8 hal kulana bar-baro galay xilli markii ugu dambaysay ee ay guularo kala kulmaan ahayd sanadkii 1978.

Real Madrid ayaa kooxda Elche la ciyaartay 21 kulan oo ay kula ciyaartay garoonkeeda iyaga oo aan guuldaro kala kulmin kooxda kaliya ee ay rikoodhkaas oo kale ku leedahay ayaa ah Las Palmas kuwaas oo ayna 34 kulan guuldaro kala kulmin marka ay joogto garoonkeeda.

Kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Cadiz Real madrid ayaa guuldaro kala kulmi karta garoonkeeda iyada oo la ciyaaraysa laba kooxood oo soo dhawaan u soo dalacay horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 2006/2007 markaas oo ay laba guuldaro kala kulmeen kooxaha Recreativo iyo Levanet.

Real Madrid ayaa badisay 6 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka ku ciyaartay garoonkooda 6 ka mid ah guulahaas waxa ay ku badiyeen 2/0.


Source: laacibfm.com

SHARE