Ilkay Gündogan Oo Soo Doortay Shaxda Ugu Fiican Ee Xiddigihii Uu Ka Garab Ciyaaray.

Ilkay Gündogan Oo Soo Doortay Shaxda Ugu Fiican Ee Xiddigihii Uu Ka Garab Ciyaaray.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Ilkay Gündogan ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican ee xiddigihii uu ka soo garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga reer Germany ayaa u so ciyaaray kooxaha Man City iyo Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Germany oo uu kula guulaystay koobka adduunka.

Ilkay Gündogan ayaa soo xushay 11-kii xiddig ee ugu fiicnaa ee uu ka soo garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed isaga oo waliba ku baahiyay bogiisa Twitter-ka.

Xiddiga khadka dhexe ee Gündogan ayaa kooxda kooxda Man City ka soo xushay 4 xiddig oo halka uu Borussia Dortmund iyo Germany ka soo xushay 7 uu isagu ku jiro.


Source: laacibfm.com

SHARE