Jose Mourinho Oo Ku Digtay Arsenal Ka Hor Kulanka North London Derby.

Jose Mourinho Oo Ku Digtay Arsenal Ka Hor Kulanka North London Derby.


Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ku digtay kooxda Arsenal ka jor kulanka North London Derby ee Axada kana tirsan horyaalka premier League.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa kulmi doona kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka premeir Leaue xilli ciyaareedkan Axada.

Ka hor kulanka tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ku digtay kooxda Arsenal oo ka hoosaysa kooxdiisa kala saraynta horyaalka premier Leageu.

Jose Mourinho aya sheegay in uu diirada saarayo sidii uu u hubin lahaa in ay kooxdiisu tartan adag ugu jirto boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Kooxaha naga hooseeya ma eegn”ayuu Jose Mourinho yidhi.

“Hadii ay Arsenal 7 dhibcood naga horayso waan eegi lahayn laakiin ma eegno kooxaha naga hooseeya sababta oo ah 7 dhibcood ayaan ka horaynaa Arsenal”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE