Juventus Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Fasaxayso Cristiano Ronaldo Kadib Fashilkii Champions League.

Juventus Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Fasaxayso Cristiano Ronaldo Kadib Fashilkii Champions League.


Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga Cristiano Ronado waliba diyaar u ah in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 29 milyan oo euro.

Qaab ciyaareedka xiddiga reer Portugal ayaa su’aal laga keenay tartanka champions league gaar ahaan xilli ciyaareedkan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed liita kulankii Fc Porto ee ay kooxdiisu kaga hadhay champions League.

Wargaysyo badan oo ka soo baxaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus diyaar u tahay in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddigooda.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Juventus diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga waliba diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 29 milyan oo euro.

Kooxda Juventus ayaa meesha ka saartay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga maadama uuna ka soo bixin balamihii ahaa in uu kooxda kula guulaysto champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE